Sareeye Guuto Canshuur ” Saamayn naguma yeelanayso xilka qaadistii Dhoobo”

Published: November 11, 2019
Sawir hore – Sareeyo Guuto Cabdullaahi Cumar

Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag Sareeyo Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in xil ka qaadistii Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ay saamayn ku yeelanayso ciidamadiisa.

“ waxa weeyaan wararka la leeyahay Somaliland baa ciidamo ku noqonayaan iyo wax lamid ah midna ma ogin, ciidamadu waajibaadkoodi iyo shaqadoodii way haystaan, dhammaan waxay ku sugan yihiin fariisimahoodi awalna waa ku sugnaayeen haddana waa ku sugnaanayaan, hawlaha siyaaasadduna wax ciidanka u yaalla maaha” ayuu yiri Canshuur.

Sareeye Guuto Canshuur ayaa dhinaca kale Somaliland ugu baaqay in ay ciidankeeda  kala baxdo degaanka Yubbe ee bariga magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo 11-kii Maarso ee sannadkan ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

“Somaliland waan ugu baaqnay waana u sheegnay, wixii halkaa dhibaato iyo khasaaro ka yimaada in ay iyagu qaadayaan,waxaana ku raja-weynahay si dhakhso ah in ay u qaataan malayshiyooyinkooda ay halkaa keensadeen” ayuu sii raaciyay Gen Cansuur isagoo ku hanjabay “haddii aysan qaadan waxa xigaya in tallaabo ciidan laga qaado oo laga fuliyo”.

Ayuu yiri Taliyuhu.

Wuxuu Canshuur cadeeyay in si dhakhso ah Somaliland tallaabo looga qaadi doono, haddii aysan la bixin ciidankooda haysta degaanka Yubbe ee gobolka Sanaag.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *