Sarkaal lagu dilay magaalada Muqdisho

Published: July 10, 2022

Koox hubeysan ayaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal katirsan ciidamada Dawlada Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa ahaa Taliyihii Ciidanka Booliiska Waaxda Barwaaqo ee degmadaasi Dayniile waxaana sida ay ku soo wareemeen dad goobjoogayaal ah dilay askari ku hubeysnaa qori AK47.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Gubta waxaana marxuumka la toogtay iyo askariga dilay soo kala dhex galay sida la sheegay khilaaf xoogan oo sababay in dilka uu dhaco.

Gacan ku dhiiglaha ayaa ka baxsaday goobta iyadoo ciidamada amniga ay ku raad joogaan soo qabashada askariga dilka geystay.

Ma ahan dhacdo ku cusub Muqdisho iyo gobollada dalka in askari uu dilo askari kale ama sarkaal ciidan oo isla Dawlada Soomaaliya katirsan dhowr jeer ayeyna soo laab laabteen arintaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *