Senegal: Golaha Dastuurka oo sharci daro ku tilmaamay dib u dhigista Doorashooyinka

Published: February 16, 2024

Golaha Sare ee Dastuurka qaabilsan dalka Senegal ayaa laallay Go’aankii Madaxweynaha dalkaasi iyo Baarlamaanka ee dib loogu dhigay doorashada Madaxweynaha oo qorsheysneyd inay dhacdo 25ka bishan Feberaayo.

Golaha Dastuurka ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan awood ullahayn inuu xilka kororsado, Madaxweyne Macky Sall oo xilkiisa ku egyahay bisha April ayaa sheegay inuu doorashada dib u dhigayo isagoo mar-marsinyo ka dhigtay khaladaad ka jira nidaamka loo diyaariyey doorashada.

Baarlamaanka ayaa 5tii bishan, sidoo kale ansixiyey go’aankan kadib rabshado ka dhex dhacay, Golaha oo laga saaray xildhibaanada Mucaaridka kahor inta aysan dhicin ansixintaasi, arrintaasi oo ay golaha Dastuurka ku sheegeen sharci darro.

Dib u dhigista doorashada ayaa keentay banaanbaxyo rabshado wata oo ay dad ku dhinteen.

Golaha Dastuurka ayaa ku amray Madaxweynaha iyo xisbiyada Mucaaridka inay sida ugu dhakh-saha badan ugu heshiiyaan taariikhda doorashada dhaceyso, kahor intaan xilka ka dhamaan Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale xabsiga laga siidaayey qaar badan oo kamid ahaa siyaasiyiinta Mucaaridka oo intooda badan soo dhaweeyey go’aanka Golaha Dastuurka dalka Senegal oo lagu tilmaamo mid kamid ah dalalka ugu taariikhda dheer dhanka dimuquraadiyada Afrika.

Horseed Media