Shabaab oo Berdaale ka baxay iyo ciidamada huwanta oo kaabiga ku haya

Published: February 22, 2012

Wararka laga helayo degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada DKG ah iyo kuwa Itoobiya ay ku sugan yihiin tuulada Howlaha guud oo qiyaastii 8km Berdaale ka durugsan.

Xiisad dagaal oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Berdaale iyo deegaanada ku xeeran, waxaana jira qoysas tira badan oo ka barakacaya iyaga oo cabsi ka qaba in lagu kor dagaalamo.

Dhinaca kale wararka Berdaale laga helayo ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab oo iyagu 3-dii sano ee ugu danbeeyey deegaankaas gacanta ku hayey ay gebi ahaantiisba baneeyeen.

Waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada DKG ah ee Soomaaliya oo Saxaafadda caalamiga ah la hadlay ay sheegeen inay saacadaha soo socda Berdaale gudaha u geli doonaan maadaama aysan jirin awood muuqata oo ay la dagaalamaan.

Imaatinka ciidamada DKG ah iyo kuwa Itoobiya oo is kaashanayaa ay duleedka Berdaale soo gaareen ayaa yimid kadib markii ay beriyihii u danbeeyey ciidamadan huwanta ah oo kasoo dhaqaaqay Doolow ay dhinaca Baay iyo Bakool usoo ruuqaansanayeen.

Waxaana shalay dagaalo goos goos ahi ay Shabaabka iyo ciidamada is garabsanaya ku dhex mareen inta u dhexeysa Berdaale iyo Bohol-Bashiir, iyadoo dagaalkii ugu xooganaa uu ka dhacay deegaanka Kurdaale.

Berdaale oo ah magaalo mileeshiyada Al-shabaabku ay ku xooganaayeen waxay noqoneysaa hadii si buuxda looga qabsado goob muhiim u ahayd maamulkooda oo ay lumiyeen.

 

Horseed Media