Shabaab oo Sheegatay Masuuliyada Qarixii 80 Qof Lagu Dilay-DAAWO

Published: December 30, 2019

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa markii u horraysay ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ah aa ee maalintii sabtidi ka dhacay isgoyska ekiskontrool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen 80 qof, 178 qof oo kalena ay dhaawacyo

Afhayeenka maleeshiyaadka Alshabaab Sheekh Cali dheer ayaa cod uu soo duubay oo lagu baahiyay warbaahinta taagersan alshabaa, waxaa uu ku sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay dhimasho iyo dhaawac laxaad leh u gaysteen Shisheey Turki ah iyo maleeshiyaad ilaalinaysay

Maalintii Sabtidii, taariikhdu ku beegnayd 2da Jamaadul awal 1441 hijiriga mujaahidiintu waxay weerar ka fuliyaan halka loo yaqaan Ekiskontorool afgooye,halkaasi waxay weerar kula beegsadeen kolonyo cadow ah oo isugu jirta shisheeye Turki ah iyo maleeshiyaad murtidiin ah oo iyaga ilaalo u ahaa. Dhimasho iyo dhaawac laxaad leh ayaa soo gaaray turkigii weerarka ku ahayd ummadeena iyo maleeshiyaadkii ilaalada u ahayd” Sidaas waxaa yiri Sheekh Cali

Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in weerarkaas ismiidaaminta ah uu dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay dad muslimiin ah oo Soomaaliyeed, kuwasoo uu sheegay inay la kulmeen xiligii weerarka uu dhacayay

” waxaan aad iyo aad uga xunahay khasaaraha ka soo gaaray ummadeena Muslimka ah ee Soomaaliyeed, waana ka tacsiyaynaynaa dhammaan dadkii naftooda ku waayay, ku dhaawacmay ama hantida uga burburtay qaraxaas, waxaanu leenahay inta dhimatay shahaado alle ha uga dhigo oo jannadiisa alle ha ku abaalmariyo” ayuu yiri Sheekh Cali raage

Afhayeenka wuxuu sheegay in sababta ku kaliftay inay u tacsiyeeyaan dadkii wax ku noqday qaraxa Muqdisho ay tahay in ay dhibayso khasaaraha soo gaaray ummada Soomaaliyeed. waxaa kaloo uu sheegay in wado kasta oo Islaamku u ogolaanayo ay u marayaan la dagaalanka waxa uu ugu yeeray dadka cadowga ku ah Muslimiinta.

Sheegashada Alshabaab ee qaraxa Muqdisho ayaa imaanaysa iyadoo maanta ay hay’adda Sirdoonka Somaliya ee NISA ay sheegtay in Wadan shisheeye uu soo qorsheeyay Qaraxiii ka dhacay Ekiskontrool Afgooye, hay’adu ma sheegin wadankaasi midka uu yahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *