Shacabka degmada Raage-ceele oo cabsi soo wajahday

Published: January 1, 2020

Wararka ka imaanaya degmada Raage-ceele ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xiisad laga dareemayo degamdaasi, sida ay soo sheegayan dadka deegaanka.

Tani ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeysay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay weerar ku soo yihiin maleeshiyada ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in deegaanada u dhow degmada Raage-ceele lagu arkay dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale Ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmadaasi ku sugnaa ayaa waxaa qaarkood la soo sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay baneeyeen fariisimahoodii degmadaasi ku yaalay.

Dadka deegaanka ayaa ka baqdin qaba in dagaal uu degmadaasi ku dhex maro ciidamada dowladda ee weli sugan iyo maleeshiyada Al Shabaab, waa haddii ay weerar ku soo qaadaan.

Masuuliyiinta gobolka Shabellaha Dhexe iyo maamulka Hirshabelle ayaan weli ka hadlin xiisadda ku soo korortay degmada Raage-ceele.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *