Shacabka Muqdisho oo qabtay dibadbax looga soo horjeedo weerarkii xeebta Liido

5 August, 2024

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo weerarkii ay khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku…

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo weerarkii ay khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynayay xeebta liido ayaa ka socodo xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin iyo boqolaal dhalinyarada caasimadda ah oo ay qeyb ka yihiin shaqaalaha dowladda ayaa ka qeyb galay dibadbaxa waxayna muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkii cadawtinimada ahaa ee khawaarijtu ku xasuuqday dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan kuna sugnaa xeebta liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qaybgalay dibadbaxa kuwaas oo dhankooda muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatada loo geystay dhalinyarada soomaaliyeed, iyagoo dhalinta soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka khawaarijta.

Horseed Media