Shariif Shiikh Axmed Oo Gaaray Jowhar

Published: November 1, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbiga Himilo Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhoweeyey siihayaha madaxweynaha Hirshabeelle ahna madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, guddoomiyaha gobolka Sh /dhexe, Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale.

“Howlo aan wadnay muddo kuna saabsanayd dad tabasho ka qabay howlaha doorashooyinka oo meel fiican aan soo gaarsiinay ayaan u nimid inaan gaarsiino, in arintan si nabad ah lagu dhameeyo maadaama dalkan uu ka soo daalay khilaaf…..in la wad ahadlo oo arrimaha taag-taagan la dhameeyo kahor doorashada.”

Shariif Sh. Axmed

Shariif Shiikh Axmed ayaa inta uu ku sugan Jowhar, wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Hirshabeelle, xildhibaanad cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarkiisa ayaa kusoo aaday xili lagu guda jiro dhismaha labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo dhowaan la dooran doono guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *