Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa…
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in iyaga iyo Dowladda Federaalka uu u socdo wada hadalo ku saabsan sidii ay labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in haatanba ay saraakiishooda iyo ciidamadoodaba ka qayb qaadanayaan hawlgalada ka socda Gobolka Galgaduud.
“Ciidamadeenii deegaankoodii ayay jooggaan, waxay ku jiraan dagaalka, hoggaamiyeyaasha hoggaaminaya ee saraakiisha tababaraya ayay ku jiraan, Waxaan leenahay Ciidanka Dowladda Federaalka Somaliya ayay ku jiraan, shacabkiina waa ku jiraan, iyaga wayba ku ajarsanaayaanba.”
Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Ahlu Sunna marna dowladda la dagaalamin, dowladdii hore ay iyadu la dagaalantay oo ku soo duushay.
Mar wax laga weydiiyay khilaafka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu ku jawaabay “Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka arrimahaas oo dhan hadda waxay uga mideysan yihiin inay Shabaab la wada dagaalamaan, markii Shabaab la iska suuliyo, wixii soo haraa, hadde waaba wax yarba.”
Horseed Media