Sheekh Shariif oo shakiga ka saarey saaxiibadiis, kadib kulankii Madaxweyne Xassn Sheekh.

Published: April 13, 2024
shariif sheekh axmed

Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel-gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan kula yeeshey Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Nairobi, kulankan waxaa soo qaban qaabiyey sida uu sheegay ganacsato iyo oday dhaqameedyo kubeel ah iyaga.

Kulanka ayaa shaki kala geliyey saaxiibada aadka ugu dhaw hadda Madaxweyne Shariif iyo weliba qaar kamid ah dowladaha taageera, waxaana loo qaatey in si hoose oo beel ahaan ah ay ku dhamaysteen khilaafkoodi.

Haddaba Sheekh Shriif Sheekh Axmed ayaa habeenkii xalay soo saarey war-saxafadeed uu uga hadlaayo kulanka, waxaana weli ka aamusan oo aan shacin kulankaas Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sheekh Shariif ayaa u dhigay sidan hoose war saxaafadeedkiisa:

Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad.

Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga odiyaashu waxay noodaayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay kuwaasoo kala ah seddexda arrimood ee hoos kuxusan:

  1. Arimaha Dastuurka
  2. Arimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Dalka
  3. Khilaafka DFS & Dowlad Goboleedka Puntland

Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Mar kale, waxaan u mahad-celinayaa Waxgaradkii iyo Ganacsatadii dadaalka iyo dhaqaalahaba ku bixiyey in xal laga gaaro khilaafaadka jira.

MAHADSANIDIIN
Sharif Sheikh Ahmed