Sheekh Shariif: “Waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada”

Published: September 1, 2023

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale ka hadley dagaalka ka dhanka ah a-Shabaab ee loogu yeeray wejiga labaad ee sifeynta Khawaarijta, Sheekh Shariif waxa uu sheegay in moqifkiisa ku aadan la dagalaanka argagixisadu aanu marna isbeddelin ee uu ahaa mid cad.

Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan Khawaarijta, ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh axmed ayaa sheegay in aan laga aamusi karin khaladaadka jira, waxaana uu dalbadey qorshe ka duwan kii hore.

Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda, ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku baahiyey barta isaga u gaarka ah.

Ugu danbeyn Madaxweynhii hore ayaa ku celiyey in aan la marin habaabon dagaalka lagula jiro argagxisada, oo la siyaasadeyn, dagaalku waxa uu u baahan yahay istraatiijiyad cad.

Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.

Hadalka Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa imaanaya iyada oo la hadal hayo weli weerarkii Cawsweyn, Shariif Sheekh axmed oo horey u taageeray dagaalka ka dhanka al-Shabaab ayaa dalabadey in baaritaan lagu sameeyo dhibaatadii ka dhacdey Saldhigga Cawsweyn iyo cidda leh khaladka dhacay.

Horseed Media