Shiinaha & Sacuudiga oo ka wada hadlaya xiriirka iyo horumarka labada dal

Published: December 8, 2022
Shares22

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa gaaray caasimadda Sacuudiga Riyaad, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal Farhan iyo Gavanaha Riyaad Amiir Faisal Bandar.

Xi, ayaa booqashadiisan qaadan doonta muddo saddex maalmood ah, isagoo wadahadallo la yeelan doona Sucuudiga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Carabta.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu boqortooyada kala hadli doono xiriirka iyo horumarka labada dal.

Shiinaha ayaa ah macaamilka ugu sareeya saliidda ee Sacuudi Carabiya, labada dhinacna waxay u muuqdaan kuwo doonaya inay ballaariyaan xiriirkooda, xilli ay ka jireen buuq dhaqaale iyo dib u habayn siyaasadeed.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Xi uu dibada ku tagay tan iyo markii uu bilowday faafitaanka Coronavirus, iyadoo Washington ka digtay saamaynta sii kordhaysa ee Beijing.

Horseed Media