Shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka furmaya Dhuusamareeb

Published: October 17, 2022

Shir looga hadlayo ammaanka gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Shirka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federal, mid Dowlad Goboleed, Madax xilal soo qabatay iyo Saraakiil ciidan.

Shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii oo dejin lahaa qorshe lagu wajahayo deegaannada ka maqan gacanta Galmudug ee ay heystaa Ururka Al-shabaab.

Galmudug waxaa socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ciidanka Federaalka iyo kuwa Galmudug oo kaashanaya Dadka Deegaanka si Degmooyinka ka maqan gacanta maamulka loosoo geliyo.

Horseed Media