Shirka Dhuusamareeb ee maanta loo ballansan yahay yaa ka qaybgalaya?

Published: February 1, 2021

Waxaa maanta loo ballansan yahay in uu magaalada Dhusuamareeb ka furmo shir uu ku dhawaaqey Madaxweynaha xilku ka soo dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna soo jeediyeen qaar kamid ah Dowlad goboleedyada dalka.

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegay in uu Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble ka hormaraayo wefdiga Madaxweynaha, sidoo kale waxaa jira shaki weyn oo laga qabo in Madaxweynuhu doonaayo in xiritaanka shirka uu ka soo qaybgalo.

Waxaa lagu wadaa maanta in ay Dhuusamareeb gaaraan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Qaarkamid ah Dowlad goboleedyada ayaa sugaaya inta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka tegaayo Dhusamareeb, mana doonayaan in ay la garnaqsadaan Raysalwasaare Rooble.

Si kastaaba waxaa la aaminsan yahay in shirku maanta aanu furmi karin, marka la eego diyaar garowga shirka, dibna ugu dhici karo habeenimada Caawa ama maalinta Salaasada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *