Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Published: June 11, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa looga hadlaya sii amba qaadka Wadashaqeynta Madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxda ayaa ka wada hadli doona sidii loo hirgelin lahaa qorsheyaasha hortabinta leh ee dhinacyada Amniga, Dib-u-eegista Dastuurka, Doorashooyinka , Garsoorka, Federaalaynta iyo xaaladaha bani’aadanimo sida Abaaraha. 

Shirka waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ka qeybgalaya Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *