Shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo looga hadley dhamaystirka Doorashooyinka Degmooyinka

Published: March 28, 2024
Shares30

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafa, xaalufinta dhirka iyo kor-u-qaadista dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka barnaamijka dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

Qodobada wasaaradda arimaha gudahu soo gudbisey waxaa kamid ahaa:

  • Dhamaystirka doorashooyinka goleyaasha degmooyinka 3-da ah ee harsan oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.
  • Fariisinta goleyaasha degmooyinka dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.
  • Bilaabidda tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta dhaqaalihii ku bixi lahaa.
  • Dib-u-eegista shuruucda doorashooyinka sida L.7 iyo xeerarka doorashooyinka.
  • Dhamaystirka guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.
  • Dib-u-eegista iyo is-waafijinta qodobada dastuurka ee is-khilaafsan.

Sidoo kale waxaa shirka Golaha Xukuumadda looga hadlay:

  • Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa golaha xukuumadda la wadaagtay warbixinta amniga guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.
  • Xaaladdaha soo cusboonaadey ee cudurada faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha xukuumadda la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu kula tacaalayso.
  • Xaaladda xaalufinta dhirta: Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, ayaa golaha xukuumadda la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.
  • Dalxiiska iyo goobaha taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa golaha wasiirada la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, illaalinta goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha dalxiiska Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray dhammaan hay’adaha dowladda in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee bulshada loo hayo, iyadoo la raacayo siyaasadda iyo qorshaha dowladda ee muhimadda u hor leh.

Faafin Horseed Media