Shirka Nabadaynta Shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi oo ka furmay Magaalada Carmo

Published: February 8, 2024

Shirka xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo guurtida kale ee degmadaCarmo.

Waxaa kasoo qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari & Karkaar, Taliyeyaasha Booliska Gobolada Bari & Karkaar, Duqa Degmada Carmo, kan Degmada Waaciye, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari, Isimo ka kala yimid deegaanada Puntland, marti sharaf iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo lagu adkeeyey in nabad lagusoo dabaalo xaaladihii ka dhacay Magaalada Sheerbi,  lagana wada hadlo islamarkaana laga heshiiyo wixii hore u dhacay.

Kulanka maanta furmay  oo socon doona maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa go’aamo  lagu soo afmeerayo dhibaatadii ka dhacday Sheerbi, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey isimadii, waxgaradkii iyo masuuliyiintii ka qaybgashay , iyagoo soo dhoweeyey furitaanka shirka islamarkaana ka hadlay muhiimada nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo xusay inay doorkooda ka qaadanayaan da’daalada ee lagu soo celinayo xasiloonadii deegaanka Sheerbi.

Horseed Media