Shirka qaxootiga Adduunka oo ka furmaya Geneva

Published: October 7, 2019

Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland waxaa maanta ka furmaya shirka 70-aad ee hayÔÇÖadda qaxootiga Adduunka, waxaana ka qeyb-galaya wufuud ka socota dowladaha caalamka qaar.

Shirkan ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka barakacay sidii xal loogu heli lahaaa  nolol cusubna loogu sameyn lahaa.

Dalka Soomaaliya oo qayb ka ah dalalka ka qayb-galaya shirkan ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in  madashaasi ay qudbad ka jeediyaan.

UNHCR ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ┬áay wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal laÔÇÖaan ┬áheysata jiilalka ku dhasha qaxootiga iyo sidoo kale cafimaad daro.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *