Shirka sanad-laha ah ee Wasaarada Qorsheynta Qaranka

Published: January 31, 2022

Shirka billaha ah ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaana shirka furay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen madaxda sarsare ee wasaaradda ayaa qaybtiisa danbe waxaa shir guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Aasad Yusuf Qanyare, waxaana looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yahiin Qorshe-howleedka wasaaradda ee 2022, oo qeexaya ahmiyada la rabo in wasaaradda ka guul gaarto.

Qorshe howleedyada waxaana ka mid ah, xiriirinta Qorshaha horumarinta Qaranka NDP-9, ansixinta Siyaasadaha Maalgashiga, ansixinta Sharciga hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO), hannaanka kormeerka iyo qiimeynta Mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, iyo dardar galinta Istaraatiijiyadda guud ee Wasaaaradda iyo sidii loo hirgalin lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *