Shirka Wasiiradda Maaliyadda Oo Ka Furmay caasimadda Muqdisho

Published: June 6, 2023

Shirka Wasiiradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo socon doona muddo seddex cisho ah.

Shirkan oo uu si ramsi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay wehliyaan wasiiradda dowlad goboleedyada dalka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxibada caalamka.

Waxaa shirkan ka maqan qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka sida Puntland oo xiligan khilaaf siyaasadeed oo xoogan kala dhexeeyo dowlada federaalka

Horseed Media