Shirka Xeer ilaalinta dalka oo maanta ka furmay Muqdisho

Published: February 9, 2022

Shiranka sanadlaha ah ee Xeer ilaalinta dalka ayaa Arbacadii ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, kaasi oo socon doona muddo labba maalin ah.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahin Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar masuuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta, madax  ka socota maamul goboleed yada dalka, safiirka mareykanka ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.

Sida la qorsheeyay Shirka inta uu socdo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa doodo iyo Xog aruurin kala duwan oo ku saabsan hannaanka Xeer ilaalinta dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *