Shirkadda Daawooyinka ee Simpa Group oo Garoowe xarun ka furatay [Codad+Sawiro]

Published: February 10, 2012

Shirkadda daawooyinka ee Simpa Group ayaa xarun cusub ka furatay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Simpa Group o ah shirkad daawooyinka ka ganacsatada waxay xirii la leedahay qaar kamid ah shirkadaha dawada sameeya ee dunida ugu caansan.

Mas`uuliyiinta ugu sareeya maamulka shirkadaas oo kala ah Maamulaha guud ee Simpa Group Cabdilaahi Ciddi-libaax, Agaasimaha xafiiska Puntland Hasu Devani,iyoMadaxa xafiiska iibka iyo suuq geynta Mursal Daab jeerinmanta oo Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey adeegyada ay Simba bulshada u hayso.

Madaxa xafiiska iibka iyo suuq geynta ee shirkadda Simpa GroupMursal Daab jeerin ayaa mar uu ka warbixinayey qaabka ay daawooyinka kusoo iibsadaan iyo meesha ay keenaan sheegay inay kasoo gataan qaar kamid ah wershadaha dawada sameeya ee dunida ugu magaca dheer.

Mursal Daab jeerin ayaa sidoo kale sheegay in daawooyinka ay shirkadda Simpa Group gadaysaa ay yihiin kuwo ay tayadoodu aad u sarayso islamarkaana ay kasoo qaataan xiriir gaar ahna ay la leeyihiin shirkado ay kamid yihiin Aurobindo iyo AMSN.

Madaxa xafiiska iibka iyo suuq geynta ee shirkadda Simpa Group ayaa ugu danbeyntii sheegay in shuruucda ay iibka daawooyinka u dejiyeen ay kamid tahay in aysan dadka ka gadin daawo ay wakhtiga dhicitaankeeda ka dhimantahay mudo lix bilood kayar.

Dhegeyso codka Mursal Daab jeerin [powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/Mursal.mp3″]

Hasu Devani oo ah agaasimaha xafiiska Puntland ee shirkadda Simpa Group ay magaalada Garoowe ka furatay ayaa sheegay in inta badan shirkadaha dalka Soomaaliya daawooyinka keenaa ay kasoo qaataan bakhaaro keydad ah iyaga oo aan ka war qabin meesha laga keenay haseyeeshee shirkadda Simpa ay si toos ah uga soo gadato wershedaha dawada.

Mr Devani ayaa dhinaca kale mar aan weydiiney in Simpa Group ay leedahay ruqsad ganacsiga daawada ku aadan si loogu kalsoonaado daawooyinka ay keenaan wuxuu sheegay inay haystaan Laysamo badan oo ay siiyeen shirkadaha ay daawada ka gataan oo iyagu ah kuwo aqoonsi caalami ah leh.

Dhegeyso codka Mr Devani

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/HASU-DEVANI.mp3″]

Shirkadda Simpa Group ayaa ah shirkad daawooyinka ka ganacsatada islamarkaana xiriir la leh qaar kamid ah wershedaha dawada sameeya kuwoda ugu caansan, waana markii ugu horeysey oo shirkad noocan oo kale ahi ay Puntland xafiis ka furato.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe