Maxaa ka soo baxay shirkii wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka?

Published: September 6, 2022

Waxaa maalintii shalay ee isniinta shir uga furmey magaalada Muqdisho, wasiirada wasaaradaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka.

Shirkan oo ay maamuleysey wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ayaa loo qaybiyey laba weji, kan kowaad waxaa ka soo qaybgalay shaqaalaha wasaradaha sida agaasimayaasha, halka wejiga labaad ay isku hareen wasiirada dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka ee wasaaradda maaliyadda.

Shirkan ayaa looga hadlaayey sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeyey labada dhinac.

Wasaaradaha maaliyadaha ee dowlad goboleedyada ayaa joojiyey dhamaan wada shaqeyntii ay la wadaageen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka dhamaadkii bishii hore, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay ka baxeen heshiisyadii lagu wada shaqeynaayey shantii sano ee u danbeysey.

Haddaba, shirkii shalay ayaa ku dhamaadey natiijo la’aan iyada oo la isla gaarey ilaa salaadii makhrib.

Dowlad goboleedyada ayaa doonaya in dhaqaalaha hadda la isku hayo ee gaaraya $100 milyan laga siiyo $50 milyan dowlad goboleedyada oo si siman loogu qaybiyo midkiiba $10 milyan halka wasaaradda maaliyaddu dooneyso in dowlad goboleedkasta la siiyo $2.5 milyan oo dollar, taas oo ay diideen isla markaana sheegeen in aan horey looga sii gudbi karin ilaa caqabadaas la xaliyo.

Ma cadda in shirku maanta oo Salaasa ah mar kale dib u furman doono iyo in uu sidaas ku burburay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *