Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah?

Published: August 30, 2022
Shares676

Waxaa maanta oo Salaasa ah qoraal wadajir ah soo saarey wasaaradaha maaliyadaha ee dowlad goboleedyada jamhuuriyadda federaaliga ah.

khilaafka wasaarada maaliyadda dowlad goboleedyada

Nuxurka qoraalka ayaa ahaa in ay wada shaqeyntii ay la lahaayeen wasaaradda maaliyadda joojiyeen xiriirkana u jareen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in heshiisyada shanta ah ee ka dhacay Adis Ababa, Kismaayo, Kampala, Nairobi iyo Muqdisho, ay jebisey wasaaraddu sidaas darteed, loo joojiyey wadashaqeyntii.

Heshiisyadu maxay ahaayeen?

Baanka Adduunka, hay’adda IMF waxay ku xujeeyeen in cashuuraha la mideeyo, xisaab-xirkuna noqdo mid daahfuran oo loo soo gudbiyo wasaaradda maaliyadda lana heli karo markasta, sidoo kale waxay heshiisyadan qayb ka ahaayeen barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC (Debt Relief Under: the Heavily Indebted Poor Countries) soo gaartey heerka wanaagsan.

Federaaleynta Maaliyadda (Fiscal federalism)

Federaalka waxaa asal u ah nidaamka maaliyadda, iyo cashuuraha waxaana heshiisyadan oo dhan ahaayeen waxa loo yaqaan mideynta cashuuraha dalka oo sicir isku mid ah laga qaado, in alaabaha isaga gudba dowlad goboleedyada aan cashuur laga qaadin, sidoo kale waxaa heshiisyadan kamid ahaa cashuuraha loo yaqaan excise tax ee la saaro sigaarka iyo qaadka, taas oo ah mid ka badan tan caadiga ah, waxayna ahayd kuwa keliya ee dhaqan galay.

Waxaa heshiisyada kamid ahaa sida loo wadaagayo kheyraadka dalka, ee ay u qaybsanayaan dowaldda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee jamhuuriyadda federaaliga ah.

Maxaa hadda la isku hayaa?

Wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ayaa ka heshay Baanka Adduunka $100 milyan oo miisaaniyadda dalka looga taageeray, ama ah kabid miisaaniyad, lacagtan ayaa dowlad goboleedyadu doonayaan in ugu yaraan 50%, ay iyaga gasho maadaama dalka intiisa badan ay maamulaan, laakiin dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ka yahay ayaa dooneysa in lacagtan $100 milyan ah u isticmaasho hawlaha dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, oo ay iyagu isku qaboojiyaan, maadaama xili kala guur ah oo laba maamul is beddalayaan ay ku soo beegmatey.

Heshiisyada shanta ah qaarkood ayaa dhigaayey in kabidda miisaaniyadda wasaaradda maaliyadda dowladda federaalku ay u qaybiso dowlad goboleedyada.

Haddaba, arrintaasi waxay mideysan dhamaan dowlad goboleedyada oo qaarkood si toos ah ugu tiirsanaa xoogaaga uga imaan jirey dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Xasan Sheekh ma dhumiyey dowlad goboleedyada?

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xilka la wareegay iyada oo saddex dowlad goboleed si toos ah ugu xirnaayeen Dowladdii ka horeysey, halka Puntland iyo Jubaland ay ahaayeen mucaarad.

Waxaa muuqata in aanu la wareegin xitaa saddexdii ku xirnaa Muqdisho ee uu dhumiyey taageeradoodi, kadib dhismihii xukuumadda oo qaarkood u arkeen in ay tahay fariin khatar ah oo iyaga loo direy.

Arrintan waxay fariin degdeg ah u direysaa beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera dhanka miisaaniyadda, waxaana dowladdu ku khasbanaan doontaa in dhawaan shir degdeg ah ay isugu yimaadaan, taas oo lagu qaybsanaayo $100 Milyan ee dowladda federaalku xeraysatey.

Qoraalka wadajirka ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalintii shalay ee isniinta Madaxweyne Xasan Sheekh dib uga soo laabtey Garoowe halkaas oo ku sugnaa afar habeen, isla markaana booqdey wasaaradda maaliyadda ee Puntland iyo Bangiga Puntland.

Akhriso qoraalka wada jirta ah oo PDF ah

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *