Shirkii Nabadaynta Dirirtii Deegaanka Sheerbi Oo Heshiis Laga Gaaray.

Published: February 25, 2024

Waxaa maanta magaalada Carmo ee gobolka Bari lagu soo gabagabeeyey Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaalaha ee ku diriray deegaanka Sheerbi.

Shirkan oo gogoshiisa uu dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa kusoo dhamaaday guul kadib markii heshiis laga gaaray colaadii dhexmartay labada beelood.

Munaasabadda xiritaanka shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad iyo Ururada Bulshada.

Masuuliyiinta Dowladda , Isimada Dhaqanka ee howsha gacanta ku hayey, Nabadoonada iyo Cuqaasha dhinacayda la heshiisiiyay ayaa dhammaantood soo dhoweeyay heshiiska nabadda beelaha diriray, waxaana Cuqaasha iyo Nabadoonada Beelaha deegaanka sheerbi madasha uga dhawaaqeen in Heshiiskaasi sidaa dhaqangal ku yahay oo nabadda  laga wada shaqeeyo lagana waantoobo waxkasta oo colaad keeni kara.

Horseed Media