Shirweynaha cilmibaarista caafimaadka guud ee Qaranka oo ka furmay Garowe

Published: January 30, 2022

Magaalada Garowe maanta waxaa ka furmay Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH).

Shirkan oo mudada 3-cisho ah socon doono ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya (NIH).

Wasiir caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur, oo shirka ka hadashay ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay Cilmibaaristu u leedahay horumarinta Caafimaadka dalka iyadoo codsatay in Jaamacaduhu iyo Hay’aduhu diirada saaraan, isla markaasna dhaqaalo gaar ah ugu talagalaan xoojinta Cilmi baarista ku aadan caafimaadka.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya marti ka timid dhammaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ay hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka ee XFS Dr Fawziya Abikar Nuur

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *