Sidee Warbaahinta Kenya Wax Uga Qoreen Dagaalkii Ka Dhacay Beledxaawo?

Published: March 2, 2020

Wargayska Dailynation ee ka soo baxa magaaladda Nairobi ayaa warbixin wareed uu ka qoray dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo waxaa uu ku sheegay in tiro badan oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ay u soo cararay dhinaca Mandheere lagu hayo saldhiga Magaaladda.

Qaar ka mid ah askartii Jubbaland ee dhinaca Mandheere Kenya u soo gudubtay oo ciidamada Kenya ay waardinaynayaan

Wargaysku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ilaalinayaan ciidamada Jubbaland ee ka yimid dhinaca xuduuda Somaliya halkaasi oo maanta dagaal qaraar uu ku dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Jannan

Wargaysku wuxuu sheegay inaysan weli cadayn halka uu ku sugan yahay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, qaar ka mid ah Saraakiisha milateriga Kenya ayaa wargayska u sheegay inay arkeen wasiirka oo magan galay xero ciidamada kenya ay ku leeyihiin xuduuda

Wargaysku wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Kenya ee ilaalada ka hayay xuduuda ay faarujiyeen fariisamahoodii markii uu bilowday dagaalkii Saaka dhexmaray labada ciidan ee Soomaalida.

Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan Buulohaawo ayaa bishii hore ku fashilmay howlgal ay qorsheeyeen oo ay doonayeen inay ku soo qabtaan Wasiir Cabdirashiid Janan oo ku dhuumanayay buuloxaawo. Wargaysku wuxuu sheegay in Wasiirku uu soo cararay dhinaca Mandheere 30 Jannaayo uuna ka kiraystay Hoteel ku yaal magaaladda.

Mudane Janan ayaa loo haysta dambiyo uu ka galay gobolka Gado, waxaana uu 28 bishii Jannaayo ka soo baxsaday xabsiga magaaladda Muqdisho halkaasi oo uu ku jiray ilaa bishaa August 31 ee Sanadkii hore oo ciidamadu dowladu ka qabtaan garoonka diyaradaha Aadan cadde ee muqdisho

Dagaalka Beledxaawo ayaa khasaaraha ka dhashay waxaa wararku sheegayaan in ilaa 4 qof ay dhimashadu tahay, sidoo kalena ay jiraan askar dhaawacyo ka soo gaareen labada dhinac.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *