Siilaanyo oo muujiyey in talada Somailand gacantiisa ku jirto -VIDEO

Published: January 17, 2017

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa booqasho kedis ah ku tegey qaar kamid ah Wasaaradaha Somaliland.

Siilaanyo oo ay booqashadiisa ku w eheliyaan Wasiirka Madaxtooyada iyo taliyaha Booliska Somaliland ayaa booqdey Wasaaradaha Beeraha Ganacsiga, Waxbarashada, Warfaafinta iyo hay’adda shaqaalaha.

Booqashada Madaxweynaha ayaa imaaneysa iyada oo muddooyinkii danbe aad loo wadey warar sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay ka soo dartey oo dad kale ay talada gacantu u gashey.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu danbeyntii tegey Hotelka caanka ah ee Maansooor halkaas oo uu bulshada ku sugneyd fadhi iyo sheeko kula qaatey.

Doorashada Somaliland oo la muddeeyey in ay dhacdo laba bilood kadib ayaa la doonayaa in dib loo dhigo, inkasta oo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu ka soo horjeedo in dib loo dhigo isaga oo la sheegaayo in uu aaminsan yahay wararka sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo caafimaadkiisu xun yahay ayna suurta gal tahay in uu talada la wareego Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici taas oo uu aad uga soo horjeedo.

https://www.youtube.com/watch?v=dxEUsTLhRXo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *