Siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtey ayaa ka soo horjeestey heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Published: January 17, 2024

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxdii hore ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa bayaan wadajir ah kasoo saaray xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Toban ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya oo qaarkood soo qabtay xilalka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ugasoo horjeedaan heshiiska is-afgarad ee bilowgii bishan dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa ay bayaanka ku taageerayaan mowqifka dawladda Soomaaliya.

Bayaanka ayey isla markaa siyaasiyiintani garab istaag ugu muujiyeen Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ku tilmaamay in is-afgaradkaasi yahay mid ku xadgudbaya “axdiyada Qaramada Midoobwey, Midowga Afrika, IGAD iyo guud ahaan xeerarka caalamiga ah”.

Siyaasiyiintan waxaa ku jira saddex Raysal wasaare hore iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay hadal hayn ka dhalatay diyaarad la sheegay in ay saarnaayeen wafdi Itoobiya ka yimid oo u socday magaalada Hargeysa, taas oo dhexda laga celiyey iyo sidoo kale mid kale oo la sheegay in ay garoonka Hargeysa kasoo degtay.

Xiisadda uu dhaliyey heshiiskan is-afgarad ayaa cirka isku sii shareeraysa, iyada oo ururrada caalamiga ah sida Jaamacadda carabta, Midowga Afrika iyo IGAD ay shirar ka yeelanayaan maanta illaa berri.

Signatories:

  1. Sharif Sheikh Ahmed, Former President
  2. Sharif Hassan Sheikh Aden, Former Speaker
  3. Abdiweli Mohamed Ali, Former PM
  4. Omar Abdirashid Ali, Former PM
  5. Hassan Ali Khaire, Former PM
  6. Ridwan Hersi, Former Deputy PM
  7. Hon. Abdirahman Abdishakur Warsame, MP.
  8. Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, Former Minister
  9. Hon. Abdulkadir Ossoble Ali, MP
    10.Dr. Abdinassir Abdulle, Gurmad Party Leader