Somalia: Kiisaska Cusub Ee COVID19

Published: September 6, 2020

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24kii saac ee ugu dambaysay guud ahaan dalka laga helay 52-kiis oo cudurka Covid-19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga helay kiisas cusub oo Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Puntland laga helay 40, Somaliland 4, Gobolka Banaadir 3 iyo Jubbaland oo 5 ruux ah. Waxaana ka bogsatay 159 ruux.

Tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee dalka ayaa ah 3,362, (seddex kun seddex boqol lixdan iyo labo) tirada bogsatay ayaa gaartay 2,738 (labo kun todoba boqol sodon iyo siddeed) halka tirada guud ee dhimashada ay tahay 97 (sagaashan iyo todoba) ruux.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *