Somalia oo ku biirtay Golaha fulinta Wasiirada Dalxiiska ee Jaamacadda Carabta

Published: December 23, 2019

Shirka Wasiirada Dalxiiska dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Al-Axsa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo Soomaaliya uu uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iyo iskaashi dhexmara Madaxda Wasaaradaha dalxiiska ee Jaamacadda Carabta, kuwaasi oo xoojin doono dhaqanka iyo isdhexgalka bulshada Jaamacadda Carabta

Soomaaliya ayaa ku soo biirtay Golaha Fulinta ee Wasiirada Dalxiiska ee Jaamacadda Carabta oo ay ka koobanyihiin sideed dal, iyadoo dalka boqotooyada Sacuudiga loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Fulinta, halka magaalada Manama ee xarunta dalka Baxreen loo aqoonsaday in ay noqoto magaalada Dalxiiska ee sanadka 2020-ka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid fursad balaaran u ah wax wada qaybsiga hay’adaha dalxiiska iyo isdhaxgalka bulshada Jaamacadda Carabta, isla markaana uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono Wasiirada dhigiisa ah ee shirka ka soo qeyb galay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *