Somaliland: Meydka sarkaal katirsanaa Ciidanka Dab-demiska oo laga soo saaray biyo-xireen uu ku dhacay

Published: October 25, 2022

Waxaa Goor dhawayd laga soo saaray biyo-xireenka (dhaamka) weyn ee Gabiley Maydka Alle haw naxariistee sarkaal Caydaruus Sheekh Cumar Ibraahim oo dhawr iyo toban saacadood maydkiisa laga raadinayay dhaamka.

Hoggaanka Ciidanka Dab Damiska ayaa sheegay in dedaal badan la sameeyay si loo badbaadiyo Taliye Caydaruus balse lagu guuldareystay, waxa uu u tacsiyeeyay ehelkiisa & ciidanka uu ka tirsanaa.

“Howsha waqti hore ayaa billawnay, dedaal badan ayaa sameynay innaga oo ka fogaaneyno in aan nafteena halis kale gelino, Biyo-xidheenka waa mid joog dheer, biyo badan ayaa jiifa” ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Dab-Damiska.

Marxuum Caydaruus ayaa shaqada ciidanka Dab-damiska Somaliland ku biiray 2018kii kaddib markii uu ka mid noqday rag ka gudbay Imtixaan xilligaas laga qaaday.

Horseed Media