Somaliland oo DFS Ku Eedaysay Inay Sheegatay Kiisaskeeda Coronavirus

Published: April 14, 2020

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa Dawladda federaalke ku eedeeyay in marin habaabinaysa shacbigeeda, islamarkaana ay tirsatay  saddexdii qof ee shalay Xukuumadda Somaliland shaacisay in laga helay xannuunka Coronavirus.

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu ka hadlay siyaasadda Xukuumadda Somaliland ay kula dirirayso xannuunka Coronavirus. Waxa kaloo uu baaq u jeediyey shacbiga Somaliland oo uu ku booriyey in la gaadhay xiligii ay wax ka beddeli lahaayeen qaab nololeedkooda.

Wasiir Saleebaan wuxuu shirkiisa jaraa’id ku weeraray Wasiiradda Caafimaadka ee dowladda Federaalka Drs Fowsiyo, waxaana uu yiri

Gabadha Wasiirka Caafimaadka ee Xamar joogta, dhaqankeenna ma aha in gabdhaha lagu tiigaalo waxaase odhan lahaa inaad fahanto, xog ogaal badan haddii aanad u ahayna aad wax ka ogaato, haddii ciddi sidaas kugu tidhina aanay waxba ka jirin. Ma jirto cid sheegan karta Xuquuqaha gaarka ah ee ummadda reer Somaliland. Xannuunkan qaabka loo maamulayo iyo cidda laga helay waa wax aanu annagu (Somaliland) maamulanay ee cid wax aanu u daba fadhinno ma aha, Gabadhaasna waxaan leeyahay intii kaa waaweynaydba is aragnay wax macno ah kuu sameyn mayso qof baa Hargeysa laga helay, horaynu u kala quusanee qoomamo la’aada” ayuu yiri yiri wasiirku

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu beeniyay in dowladda federaalku ay agab caafimaad u soo direen Somaliland,

“arrintaasi waxba kama jiraan waxaanan leeyahay ‘Riyo haddii ay dib leeyihiin dabadooda ayey ku qaran lahaayeen’ waxaan leeyahay idinku isku filnaada cidna waxba ha tarinee.”

Dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa warbixintada joogtada ee ay k asoo saarto kiisask Coronavirus ee Somaliya ku dartay saddex qof oo laga helay cudurka Coronavirus kuwaasoo kala jooga magaalooyinka Hargaysa iyo Boorame.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *