Somaliland oo Gen. Moorgan ku eedeysey in uu ka dagaallamayo magaalada Laascaanood

Published: April 13, 2023
Shares38

Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeyey Gen. Moorgan oo kamid ahaa saraakiishii dowladdii Kacaanka in uu xilligan ka dagaallamayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ayaa sheegay in General Moorgan uu ka barbar dagaalamayo ciidanka Puntland iyo huwantan ku sugan magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in General Morgan uu xasuuq shacab ka gaystay Magaalada Hargeysa xilligii Kacaanka ee dowladdii dhexe Soomaaliya.

General Morgan ayaa haatan kamid ah la taliyayaasha Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, lama cadeyn karo inuu Laacsaanood ku sugan yahay iyo in kale.

Horseed Media