Somaliland oo ka hadashay sababta ciidankooda looga saaray Laascaanood

Published: February 2, 2023
Shares2

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka hadlay sababta ciidanka Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood ayaa sheegay in tahay si anay dadku u dareemin caburin.

Wasiir Yuusuf Koore ayaa sheegay in ay ogyihiin inay nadaam daro hada ka jirta Laascaanood, lakiin ciidanka magaalada laga saaray si shacabku anay u dareemin in awood ciidan loo isticmaalayo, isla markaana la dareensiiyo in ciidanku ay dadkoodii yihiin.

Wasiirka waxa uu sheegay in iyadoo la ilaalinayo nabada ciidamada habeen madow laga saaray magaalada, isla markaana magaalada ay joogaan ciidamo deegaanka ah oo laysla ogolyahay, waxa uu sheegay in xukuumadu ay rabto in ay wanaag iyo wadahadal ku dhamayso waxkasta.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan  sheegay in bulshadu fikirka ku kala duwan yihiin, lakiin ay Somaliland wada leeyihiin, isla markaana anay jirin cid cid kale ka saari karta, lakiin loo bahanyahay in wadahadal waxkasta lagu dhameeyo.

Wasiirka ayaa ka hadlayay munaasibad lagu xusayay xaflada xuska sannad guurada 29aad ee Ciidanka Millateriga Somaliland oo lagu qabtay dulleedka Laascaanood.

Horseed Media