Somaliland oo ka xumaatay ku biirista Soomaaliya ee EAC

Published: November 25, 2023
Shares2

Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay in Soomaaliya ku biirto Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xili ay Beesha Caalamka u hambalyeen Soomaaliya oo xubin ka noqotay EAC ayey Somaliland sheegtay in ay tahay ‘Cadaalad Daro’.

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waxa aanu aaminsanahay in ay tahay meel ka dhac cad oo loo gaystay madaxbannaanida Somaliland”.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland

Somaliland ayaa markale ku celisay codsigeeda caalamka ku socda oo ah in la aqoonsado.

“Waxaanu ugu baaqaynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Bulshada Bariga Afrika, in ay aqoonsadaan aqoonsiga gaar ka ah ee Somaliland, iyo madaxbannaanideeda. Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC, waa xabaal cadaalad daro taasi oo xagaldaacdinaysa sharciga caalamiga ah”.

Somaliland oo aan wax aqoonsi ah caalamka ka helin ayaa muddo dheer dhaqaale iyo wakhti ku bixisay inay xiriir toos ah la yeelato qaar kamid ah dalalka EAC sida Kenya & Uganda.

Horseed Media