Somaliland oo Puntland kala wareegtey degmada Boocame ee gobolka Sool

Published: October 31, 2022

Somaliland ayaa la wareegtey degmada Boocame ee gobolka Sool oo ahayd magaalada ugu weyn ee Puntland ay gacanta kaga haysay gobolka Sool, sida ay ku soo waramayaan weriyaasha degmadaasi.

Wararku waxay sheegayaan inaysan wax iska hor imaad ah ka dhicin magaalada markii ciidamada Somaliland taabacsan ay gudaha u galeen. Waxaa gebi ahaanba isaga baxay ciidamada Booliska Puntland ee halkaas ku sugnaa.

Sidaan oo kale bishii Agoosto afarteedi ayaa ciidamo badan oo uu wato guddoomiyaha gobolka Sool ay gudaha u galeen Boocame, ma jirin wax dhaq-dhaqaaq ah oo Puntland arrintaas ka samaysey.

Degmadda Boocame ayaa kamid ah meelaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod.

Horseed Media