Somaliland oo sheegtay in ay xabad-joojin dhinaceeda ah wali jirto xilli saaka weerar culus dhacay

Published: February 21, 2023

Somaliland ayaa oo maanta war ka soo saartay xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in ay xabad-joojin dhinaceeda ah wali jirto.

Somaliland ayaa sheegtay saaka fariisimiyo ay leeyihiim ciidamadeeda la soo weeraray ayna ka hor tageen “Ciidankeena wali is difaac ayuu kujiraa”.

Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay, in ay taageerayso Ergo nabdeed uu diray Madaxweyne Muuse Biixi oo ay sheegtay in ay kusugan yihiin gobalkaasi Sool.

Warkaan ka soo baxay Somaliland ayaa ku imanaya xili saaka ay weerar 3 jiho ku qaadeen magaalada Laascaano, si ay ciidankeedu u qabsadaan laakiin aysan suuragal noqon.

Horseed Media