Somaliland oo sheegtay in dagaalka Laascaanood ay kusoo biireen saraakiil ka yimid Muqdisho

Published: February 28, 2023

Somaliland ayaa sheegtay in saaka fariisimada Ciidamadeeda ee Galbeed Magaalada Laascaanood ay soo weeraray kooxo Nabad diid iyo Argagixisada ah.

War ka soo Somaliland ayaa lagu sheegay in ay is difaaceen weerarka lagu soo qaaday ciidamadooda.

Sidoo kale  warka waxaa lagu sheegay in dagaalka ka socda Laascaanood ay ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Somaliland waxay u cadaysay Beesha Caalamka in kooxahan ay ku tilmaameen Argagixisada ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida dalalka Geeska Afrika.

Horseed Media