Somaliland oo sheegtay in saaka weerar lagu soo qaaday fadhiisimada ciidamadeeda ee agagaarka Laascaanood

Published: March 6, 2023

Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay saaka soo saartay ku sheegtay in dagaal lagu soo qaaday ciidamadeeda ku sugan duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Kooxo ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ay weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan agagaarka Laascaanood.

Sidoo kale waxaa intaas lagu daray in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday.

Somaliland ayaa marar badan ku soo celcelisay inay dagaalka Laascaanood ay qeyb ka yihiin Puntland iyadoo taas xaley si rasmi ah u beeniyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Horseed Media