Somaliland oo soo bandhigtay 6 maxaabiis oo uu ku jiro Xildhibaan katirsan Puntland

Published: April 1, 2023
Shares12

Somaliland ayaa xaqiijisay in ay gacanta ku hayso 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo katirsanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo jeeda magaalada Laascaanood.

5tii Jan 2023 ayuu Farah Dalmar sheegay in uu iska casilay xildhibaanimada Puntland, kana mid noqday dagaalamayaasha deegaanka ee kasoo horjeeda damaca Somaliland.

Inkasta oo aan la xaqiijin in laga aqbalay iyo in kale, Dalmar ayaa horey ugu dhaawacmay dagaalo ay wada galeen dadka deegaanka iyo Somaliland, gaar ahaana 2018-kii.

Somaliland ayaa sheegtay in dhankooda weerar lagu soo qaaday oo ay fulinayaan xabadjoojin ay horey ugu dhawaaqeen, xili 26kii bishii March ay sheegtay in ay iyadu qorsheynayso duulaan dagaal.

Horseed Media