Somaliland oo soo saartay go’aamo cusub oo kuwajahan xaalka Laascaanood

Published: March 9, 2023
Shares12

Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo cusub oo kuwajahan xaalka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in ficiladii dhacay 27kii ilaa 28-kii December 2022 ay ahaayeen kuwa looga soo horjeedo Dimuquraadiyadda Somaliland (Maalintii la dilay Marxuum Hadraawi iyo banaanbaxii shacabka loogu jawaabay xabada iyo dilka).

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Huwanta ah ee kayimid Puntland, Muqdisho iyo Dowlad Deeggaanka ay kabaxaan Laascaanood.

Waa markii ugu horaysay oo Somaliland ay sheegtay in ciidan Dowlad Deegaanka Soomaalida kayimid ay dagaalka Laascaanood qeyb ka yihiin.

Somaliland waxay sheegtay in wada hadal lagu dhameeyo xaalka Laascaanood ayna diyaar u tahay oo ay xabad joojin haldhinac ah hirgalisay.

Horseed Media