Somaliland oo weerartay fariisimaha ciidamada Puntland ee Tukaraq, Sool

Published: January 8, 2018

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo iska horimaad u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland, kadib markii ay saaka halkaasi soo weerareen ciidamada Somaliland.

Tukaraq oo hoostagta Laascaanood ayaa ah halka fariisinka u ahaa ciidamada Puntland, waxaana la sheegay inay saaka duulaan kusoo qaadeen ciidamada Somaliland.

Waxaan illaa iyo hada la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ay warbaahinta u xaqiijiyeen inuu weli socdo dadka deegaanka.

Ciidamo badan oo ah kuwa Puntland ayaa la sheegay inay ku baxeen deegaankaasi.

Weerarkan Somaliland ayaa kusoo beegamay xili uu maalinimadii shalay magaalada Garowe soo gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo soo dhaweyn balaadhan loo sameeyey.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi ayaa horey ugu goodiyey inuu weerari doono caasimada Puntland ee Garowe xiligii uu ku jiray tartanka doorashada, waxaana la rumeysan yahay dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland inuu la xariiro imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku maraya deegaanada Puntland.

Dhinaca kale magaalada Garowe ayey ku sugan yihiin Issimo badan oo ka yimid Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn oo la filayo inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Puntland iyo Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlan dagaalka la sheegayo inuu ciidamadooda dhexmaray, waxaana horey labadan maamul ugu dhex jiray Beesha Caalamka oo ku cadaadin jirtay labada dhinac inaysan qaadin dagaal militari oo khal khal ku keeni kara gobalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *