Somaliland oo xukun dil ah ku riday Askarigii dilay Ardaygii Jaamacadda Camuud

Published: August 18, 2021

Maxkamadda Ciidanka ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Cismaan Diiriye Buraale oo ah askarigii dika ugu geystay jaamacadda Camuud Marxuum Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa ardayda wax ka baran jirtay jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama.

Qoyska marxuumka ayaa horey uga codsaday Somaliland in cadaaladda la marsiiyo askariga dilay wiilkooda.

Marxuum Ibraahim Salaad ayaa u geeriyooday rasaas uu ku furay askariga afaafka hore ee Jaamacadda Camuud xiligaas oo muran uu dhexmaray.

Dhacdadan dilka ayaa noqotay mid naxdin leh isla markaana walaac ku abuurtay ardayda wax ka barata jaamacadda Camuud oo boqolaal ay waxbarasho uga soo raadsan jireen Deegaanada Soomaalida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *