Somaliland: Saddex qof oo ku dhintay daadad kusoo rogmaday degmada Arabsiyo

Published: May 2, 2023

Saddex nin ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dooxada Huluug ee degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiilay, kaddib markii baabuur ay la socdeen uu daad qaaday.

Saddexda nin ayaa mid kaid ah meydkiisa la helay halka labada kale weli la boodi goobayo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Somaliland.

Dadka Magaalada Arabsiya ayaa sheegay in weli baadi goob loogu jiro laba kamid ah dadka ku dhintay toga, isla markaana Bulshada ay walaac ka muujinayaan togagga badan ee kuyaalla degaannada Somaliland.

Inta badan deegaanada Soomaalida waxaa ka da’ay roobkii gu’ga kaas oo ay dhasheen daadad sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed.

Horseed Media