Somaliland: Shil gaari oo ay ku dhinteen laba qof oo ka dhacay duleedka magaalada Gabiley

Published: March 11, 2023
Shares10

Laba qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay duleedka barri ee magaalada Gabiley.

Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari Bas ah oo nooca rakaabka qaada ah uu rogmaday isagoo xawaare sare ku socda.

Sidoo kale shilkan waxaa inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay ilaa 7 qof oo la dhigay cisbitaalla Gabiley si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Magaalooyinka Somaliland waxaa inta badan ka dhaca shilalka gaari kaas oo ay ku dhintaan dad shacabka iyadoo loo sababeynayo xawliga ay baabuurtu ku socdaan.

Horseed Media