Somaliland: Wasiir Saleebaan Koore oo eedeymo u jeediyey Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif

Published: February 27, 2023

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa eedeymo u soo jeediyey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif.

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa shalay shaaciyey in ay Somaliland xasuuq ka wado gobalka Sool, masuuliyadana uu leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa Gudoomiyaha ku eedeeyey in Hantidi loogu talo-galay in mushkiladda lagu xalliyo uu isticmaalay.

“Cabdirisaaq Khaliif, Hantidii halkan looga dhiibay ee loogu talo-galay in mushkiladda lagu xalliyo ayuu u isticmaalay inuu dhanka kale shidaal iyo rasaas u siiyo” ayuu yiri Saleebaan Koore.

Sidoo kale Wasiir Koore waxa uu gudoomiye Cabdirisaaq ku eedeeyey inuusan waligiis ka shaqeyn wax dan u ah Somaliland.

“Cabdirisaaq Khaliif waxa uu caddaystay fikirkiisa uu kaga soo horjeedo Qarannimada Somaliland, In badan waxa uu isku dayey inuu qaranka Khiyaamo, wuxuuna noqday qofka kaliya ee dhibkii Meesha taallay sii laba jibbaara, weligiina wax qaranka dan u ah kamuu talin.” Ayuu yiri Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Horseed Media