Somaliland: 44,000 Arday Oo Maanta u Fariistay Imtixaanka Shahaadiga

Published: June 17, 2023
Shares4

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasalka siddeedaad ee dugsiyada dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Somaliland.

Guddoomiyaha imtixaanaadka Somaliland  Daa’uud Axmed Faarax ayaa tirada ardayda sannadkan imtixaanaadka shahaadiga ah gelaysa ku sheegay 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo dugsiyada dhexe ah iyo 16,000  (Lix iyo toban kun) oo arday oo dugsiga sare ah, waxaa sidoo kale ku jira 3, 243 arday oo ah ardaydii Gobolka Sool.

” Imtixaanka waa lasoo wada maray, laakiin wuxuu lamid yahay casharradii hore oo kale oo wax weyn ma aha, haddii wax qaldamaanna berri baa la saxayaa, waxan markaa dhammaan ardayda u rajeynayaa imtixaanka inay ku guulaystaan, waxaan hambalyeynayaa wasaaradda waxbarashada iyo dhammaan qaranka Somaliland oo horumar weyn sameeyey.”
ayuu yiri; Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Horseed Media