Somaliya iyo Sucuudiga oo Oo Kala Saxiixday Heshiis Arrimaha Xajka ee 1441/2020.

Published: December 26, 2019

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo jooga Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulamo la yeeshey madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimah Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  warbaahinta dowladda u sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020.

“Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka iyo Cumarada Sucuudiga in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019” ayuu yiri Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *