Soomaaliya iyo Bosnia oo markii ugu horeysay sameystay xiriir diblumaasi

Published: February 8, 2022

Ergeyga Joogtada ah ee Bosnia & Herzegovina u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Sven Alkalaj, ayaa saxiixay Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsanaa abuuritaanka xiriirka diblomaasiyadeed ee Bosnia & Herzegovina iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa war-murtiyeedka u saxiixay ergayga joogtada ah ee Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cusmaan. Saxiixa waxa uu ka dhacay dhismaha Ergada Joogtada ah ee Bosnia ee Qaramada Midoobay, magaalada New York.

Wadahadalka ka dib xafladda saxiixa war murtiyeedka wadajirka ah, danjirayaashu waxay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan suurtagalnimada horumarinta iskaashiga labada dhinac, iyo sidoo kale mawduucyada hadda horyaal Qaramada Midoobay.

Safiirka Soomaaliya ayaa si gaar ah u xiisaynayay waaya aragnimada Bosnia & Herzegovina ee ku aaddan in sida loo abuuro nabadda iyo kalsoonida bulshooyinka colaadaha ka dib, iyo sidoo kale dib u soo kabashada dhaqaalaha ee Bosnia iyo Herzegovina ka dib dagaalladii sokeeye.

Wuxuu muujiyay rabitaan ah in la xoojiyo xiriirka iyo isdhaafsiga khibradaha ku saabsan arrintan. Waxaa uu ku dhawaaqay in dhawaan la furi doono safaarada Soomaaliya ee Belgrade (Serbia), taasoo oo sidoo kale qaabilsanaan doonta Bosnia.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *